Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si weyn magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Ducaale Geelle.
Axmed madoobe ayaa uga hor tagay Garoonka diyaaradaha waxaana wafdiga gaaray kismaayo la socda wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamul gobaleedyada Dalka.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay Kismaayo ayaa sidoo kale ku sugan Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose kuwaas oo la filayo in kulanka qeyb ka ahaadaan
Leave a Reply