Dagaal ka dhacay degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saakay Aroortii hore weerar ku qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Saldhig ku leh deegaan u dhaw degmda Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Dagaal oo mudo kooban socday ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Ciidan ka tirasn Dowladda iyo Askar ka mid ah Dagaalamayaasha Shabaab ee weerarka soo qaaday in kastoo aan la ogeyn inta ay gaarsiisan tahay dhimashada iyo dhaawaca.

Dagaalka ayaa ka dhacay Saldhigga Ciidanka Dowladda ee deegaanka Basra oo ka tirsan degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe waxa uuna ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah oo ay xaalad daganaan ah ka jirtay sanadiihii la soo dhaafay.

Goob jooge ku sugan deegaanka Basra ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in uu arkay meydadka ugu yaraan 4 ka mid ah Ciidamadii dagaalamay waxaana sidoo kale jira dhaawac soo kala gaaray dhimacyada dagaalka dhex-maray.

Al-Shabaab ayaa qabsaday deegaanka waqti kooban waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in hadda ay xaaladda dagan tahay waxaana ka baxay Shabaabkii qabsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.