Shirkii Kismaayo oo maanta lagu wado in War-murtiyeed laga soo saaro

Shirkii ka socday magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa la sheegay in uu soo dhamaaday Xalay oo ay qodobo ku heshiiyeen Madaxdii ka qeyb galeysay Shirkaasi.
Hogaamiyaasha Shirka ayaa diiradda saaray qodobo xasaasi ah oo ka taagan Soomaaliya waxaana taagnaa dodo kulul oo dhinacyada yeesheen.

Qodobada qaar ayaa la isku afgartay waxaana qaarkood la xaqiijiyay in lagu heshiin waayay waxaana la filayaa in maanta la soo saaro War-murtiyeed ku saabsan Shirkooda.
Qodobada lagu heshiiyay oo ay Idaacadda Kulmiye sida hor dhaca ah u heshay ayaa waxaa ka mid ah
In dib loo soo celiyo Madasha Wadatashiga Qaran iyo laga tala giliyo Wixii la xariira Lacagta, Ciidanka iyo Xariirka Caalamiga ah sidoo kale waxa ay qaar ka mid ah Soo jeediyeen in xariirka loo jaro Dowladda Soomaaliya in kastoo qdobkaas la isku afgaran waayay.
Hore waxaa u jirtay 6 qodob oo kale oo aan helnay Islamarkaana ku baahinay wararka iyo barnaamijyada Idaacadda.
Si walba maanta ayaa la dhowraya in ay soo saaraan Warsaxaafadeed ku aadan Shirkooda waxaana jira walaac xoog leh oo laga muujinayo qdobada Shirkaasi ka soo bixi karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.