DF oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso fatahaadaha Wabiyada

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in ay u qorsheynsan tahay dayactir ay ku sameeyaan Wabiyada.

Wuxuu sheegay arrintan in ay iskala shaqeyn doonaan Wasaaradaha maamul goboleedyada ee mataanaha la ah Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka.

Sidoo kale Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in rajeynayaan sanadka dambe xilligan oo kale in ay yaraan doonaan fatahaadaha ay sameynayaan Wabiyada, maadaama uu tilmaamay in ay galeen heshiiyo lagu dayactirayo.

“Wasaaradda qorshaha waxaa ugu jira in dayactir weyn lagu sameeyo Wabiyada, in la soo nooleynayo biyo xireenada, Wasaaradaha mataanaha nala ah ee Dowlad goboleedyada waan u sheegnay.” Ayuu yiri Wasiir Ibroow.

Wabiga Shabeelle ayaa dhowaan fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo khasaare u geystay Beeraleyda ku nool hareeraha Wabiga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.