Somaliland oo soo saartay amaro lagu sugayo ammaanka Hargeysa

Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa waxa ay soo saareen amaro lagu sugayo ammaanka guud ee degaanada Somaliland, gaar ahaan caasimadda maamulka oo ah Hargeysa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska maamulka Somaliland Gaashaanle Feysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay rajeynayaan amarada ay soo saareen ee ammaanka lagu sugayo in si deg deg ah ay ku dhaqan galaan.

Wuxuu sheegay Ciidamada Booliska mar walba in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wax walba oo ay u arkaan in ay qalqal gelinayaan ammaanka, si shacabka aysan dhibaato u soo gaarin.

“Waxaan dhammaan shacabka u sheegeynaa in ay ilaaliyaan nabadgelyada guud, Ciidanka Booliska waa in looga dambeeyaa ammaanka, cidii isku dayda in ay qalqal geliso ammaanka loo dulqaadan maayo.” Ayuu yiri Afhayeen Xiis.

Bisha November ee sanadkan ayaa la filayaa in degaanada maamulka Somaliland ay ka dhacdo Doorashada guud ee Madaxweynaha, taasi oo hada uu socdo diyaar garowgeedii ugu dambeeyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.