Wasiirka Gaashaandhigga “Shabaab Qaraxyada waxay uga faa’ideystaan dadka dhimirka La

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya gaar ahaan xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay maalinta dhimirka aduunka (World Mental Health Day), taasi oo la xuso sanad walba 10-ka October.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafnta, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedada Munaasabadan loo qabtay ayaa waxa ay aheyd sidii maskaxdooda dib loogu soo dhisi lahaa dadka qaba dhaawacyada qarsoon, sidoo kalena loogu dhiiragelin lahaa in ay wax qabsan karaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay ururka Al-shabaab in Qaraxyada ay uga faa’ideystaan dadka qaba dhaawacyada qarsoon (dhimirka La’) kuwaasi oo uu sheegay in ay aaminsan yihiin in ay wado sax ah ku socdaan, maadaama maskax ahaan aysan caafimaad qabin.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay shacabka hortooda dilalka lagu geysto ee aanan soo gudbin sida ay wax u dhaceen ama qariya in iyaga xitaa ay ka mid yihiin dadka qaba dhaawacyada qarsoon, maadaama laga doonayay in uu soo sheego.

Kumannaan bukaan oo la xanuunsanaya cudurrada ku dhaca dhimirka ayaa la xaqiraa xuquuqdooda bini aadanimo, loona geystaa xadgudubyo maskaxeed iyo kuwa jireed, iyaga oo aan helin adeeg caafimaad oo ku filan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.