Free Saabir iyo Waxar oo ah Wariyaal ugu Xiran Kismaayo Tabinta Bananbixii Garbahaarey

saabir

Waa nasiib darro in Labadaas Xirfadle Waa Saabir Cabdiqaadir Warsame iyo Maxamed Qaasim Cali-waxar, Xoriyadooda ay ku waayaan maxaad xaqiiqada u tabineysaan, waxayna muujineysaa xaaladda naflacaarinimada ah ee ay ku suganyihiin Horjoogayaasha kismaayo ka arimiya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Maamulayaasha Kismaayo Caburiyaan Xirfadlayaal Gudanaya waajibaadkooda shaqo, Horay waxaa xoriyadooda muddo kooban uga qaadeen Khadar Xareed, Abdiqaadir Jiijiile iyo labadan Xirfadle ee Maanta la xiray markale.
Waa in la ilaaliyo Xoriyadda saxaafada, Xirfadlayaashu ma aheyn kuwo tabiyay warar aan jirin ee Muuqaalo iyo codad muujinaya dareenka qaar kamid ah Bulshooyinka Jubbaland Daga ay ka qabeen shirkii Kismaayo ugu soo idlaaday Horjoogayaasha Maamulada ayey soo tabiyeen.
Laba maalin kahor ayey Xrifadlayaashani soo tabinayeen shirkii qaranimada ka dhanka ahaa ee Kismaayo ugu soo idlaaday Horjoogayaashani, weeyna la dhacsanaayeen Maamulayaasha Kismaayo tabinta warkooda taasi oo loo fasiran karo “Waxaan iri tabi wixii iga hor imaanayose tabintooda jeel baad ku muteysaneysaa” Arintaas oo gabi ahaanba kahor imaadsan Xoriyadda Saxaafadda Madax-banaanideedane meel uga dhaceysa.
Xaaladdu marka ay halkaas gaarto, waxay keeneysaa in Meel looga dhacay Qodobka Xoriyadda saxaafadda ee ku qoran Axdi qarameedkii Geneva ee la meelmariyay 1943-dii.
Dowladda dhexe ee Dalka oo idil masuulka ka ah waa in ay kahadasho habdhaqanka Maamulayaasha Kismaayo iyo qaabka kali talisnimada ah ee ay Bulshada deegaanadaas ku dhaqan ula dhaqmayaan kuwaas oo dhibaatooyin ay ku hayaan Hogaanka Maamulka kismaayo, ayna kaqaado talaabo cad oo layaqaan, ma ahan in bulshada lagu fiirsado dad ku xadgudbaya Naftooda, Maalkooda iyo Nasabkoodaba.
Xadgudubyada Kismaayo kajira maalinba heer ayey soo gaarayeen, Haddase waxaad moodaa in lajoogo xilligii ay iska rogi lahaayeen reeryo saarneyd bulshada ku dhaqan Gobolkaasi dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.
#FreeWaxarIyoSaabir
#FreeJubbaland.
Mohamed Magan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.