Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay galab ka dhacay Magaaladda Muqdisho, kaasi oo waxyeelo xooggan ay kasoo gaartay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Gudigaan ayaa kooban Wasiiro iyo Ururada Bulshada, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay ay kasoo gaareen.
Raysawasare Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, isagoo xusay in dadka dhaawacyada culus qaba ee dalka gudahiisa waxba looga qaban karin Xukuumadda ay u qaadi doonto Caafimaad Dibada ah.
R/wasaae Kheyre, ayaa xusay in ay lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed lala qeybsado murugada iyo dhibaatooyinka kale ee ay dareemeen, kadib qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay isgoyska Soobe, kaas oo geystay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanta.
Leave a Reply