Wasiirka Caafimaadka Dowladda Turkiga Axmed Demarcan,s ayaa maanta imaanaya Magaalada Muqdisho,waxaana Dalka Keeni doonta Diyaarad laga leeyahay Wadanka Turkiga oo sidda Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah iyo Shaqaale Caafimaad kuwaas oo qeyb ka qaadan doona Samatabixinta Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Isqarxinta ahaa ee lagu qaaday Dadka Shacabka ah 14-kii Bishaan kuwaas oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo,waxaana uu uga Tacsiyeen doonaa Dowladda Soomaaliya Weerarkii Isqarxinta ahaa ee lagu Xasuuqay dadka Shacabka ah ee lagu Weeraray Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmay Dad ka badan 400 waxaana Dowladdu sheegtay in Kuwooda Liita Dalka Dibaddiisa loo qaadi doono
Leave a Reply