Guddoomiye Taabid “Wixii hada ka dambeeya waxaa ugu magac darnay Isgoyska Zoobe 14 October”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa Isgoyska Zoobe ee KM5 ugu magac daray 14 October, oo aheyd maalintii qaraxa dadka badan lagu gumaaday uu ka dhacay.

Isagoo dadweyne fara badan kula hadlayay goobtaas, ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya loogu magac daray 14 October.

“Meeshaan hadda kaddib waxaa la dhahaa Isgoyska 14 October oo aan ugu magac darnay maalintii ay dhacday musiibadii qaran ee dadkii faraha badnaa lagu xasuuqay”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tan iyo markii uu dhacay qaraxii weynaa ee khasaaraha badan dhaliyay, waxaa uu door weyn ka qaadanayay howlaha gurmadka iyo samata bixinta ee dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe.

Banaan bax looga soo horjeeday qaraxaas ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Koonis Stadium,.

Qaraxii Zoobe ka dhacay Sabtidii la soo dhaafay ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee taariikhda soo marta Soomaaliya, iyadoo ay ku dhinteen dad ku dhow 300 oo ruux, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.