Hey’addaha amniga oo saacadaha soo socda soo bandhigaya baaritaanka qaraxii Zoobe

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo bandhigaan natiijada baaritaan horudhac ah oo ku saabsan qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, halkaasoo lagu dilay in ku dhow 300 oo ruux.

Inkastoo xalay lagu waday in la soo bandhigo baaritaanka weerarkaas, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow, hadana waxaa ku yimid dib u dhac.

Wararka ayaa sheegaya in hey’adaha ammaanka ay gacanta ku hayana natiijada baaritaanka qaraxii Zoobe, isla markaana saacadaha soo socda lala wadaagi doono shacabka.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dad kala duwan oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxa, waxaana dadkaas ka mid ah rag la sheegay inay damiinteen gaarigii xamuulka ahaa ee qaraxa fuliyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Al-Shabaab inay ka dambeyso qaraxii Isgoyska Zoobe ee lagu gumaaday shacab badan oo aan waxa galabsan, balse ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.