Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu kafaalo qaaday waxbarashada ardaydii waalidkood ku waayey qaraxii musiibada ahaa ee 14kii bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe oo hadda loogu magac daray ( 14 October).

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu kafaalo qaaday waxbarashada ardaydii waalidkood

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa booqday qaar ka tirsan qoysaskii dhibku ka soo gaaray Musiibadii 14 October uuna Maamulkiisu si gaar ah mas’uuliyad isaga saaray ineysan Waxbarashada ka istaagin Ardaydii Aabayaashood ku waayey Musiibadii Isgoyska 14-ka Oktoobar.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadi ahna Duqa Magaalada Mudane Thaabit Cabdi ayaa la xiriiray iskuulada ay dhiganayeen Ardaydaas, ayna ku wargeliyeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu kafaalo qaaday waxbarashadooda uuna bixin doono wixii qarash ah ee laga rabo caruurtaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.