Maqal iyo Muuqaal:Aaabe indha la oo kamida dadka abaarta Saameysey ayaa Gurmad Dagdaga ubaahan

Aabe Ismaaciil oo Araga la’ kana mid ah dadkii ay abaartu saameesay oo ii sheegay in mudo 6 Bilood ah oo uu joogay Caabudwaaq uusan helin wax gacan qabta, Runtii aad baan uga naxay Saakay markaan irida idaacadda Radio Daljir Caabudwaaq aan ku kulanay Aabe Ismaaciil Cabdulle Shaaciye oo ah Aabe araga la’ oo gacanta ay hayso Xaaskiisa.

Aabe Ismaaciil waxaa uu iisheegay in uu ku nool yahay Kaamka Farjano ee ku yaal Waqooyi galbeed magaalada Caabudwaaq Waa Aabe Qoyskiisu ka kooban yahay 15 Ruux oo iskugu jira Rag iyo Dumar waxaa uu ahaa ka hor inta uusan beelin labadiisa indhood Aabe ushaqaysta Qoyskiisa.

Waxaa taasi u sii dheer markii Xoolo aan badneen oo ay lahaayeen Abaartii dalka kadhacdey ay saameesay Xoolahoodii sidaasina ay ku soo gaareen Caabudwaaq Runtii inta uu ii sheekeenayay way ka muuqatay waana ka dareemayay Xaaladda Bini’aadnimo ee haysata Walaal Caawi ALLE ayaa kaa ajarsiin doona Insha-Allah

Kawac Tel: 00252617766056

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.