Idaacadda Risaala ayaa ogaatay in Ciidamo kale oo dheeraad ah lagu soo kordhiyay sugidda amniga saldhiga Turkiga ee Muqdisho, kadib Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda oo inala hadlay.
Saldhiga ayaa lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la keenay.
Saldhigan ayaa dhawaan lagu xareeyay illaa 1,500 Askari, halkaas oo lagu tababari doono, Saraakiil ka socota Turkiga ayaa ka qayb qaadan doona tababarka Ciidamada oo noqon doona markii u horaysay ee uu Turkiga gudaha Soomaaliya ku tababaro Ciidamo.
Dhismaha ayaa ka kooban dhawr qaybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan Askarta la tababaro, Masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.
Saldhigan, ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee Turkiga uu ka furo meel ka baxsan dalkiisa, sidoo kale waxaa uu noqonaya saldhigii ugu weynaa ee Soomaaliya laga furo, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe Militariga.
Dhismaha Xeradan Militari ayaa ku taal dhanka Xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 4-KM.
Leave a Reply