Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa la sheegay in uu is hor istaag bareer cad ah uu ku sameeyay shaqada xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Risaala u xaqiijiyay in ciidamo uu wato taliyaha Booliska Gobolka Baay Mahad C/raxmaan Aadan shalay ay tageen xarunta maxkamadda sare, kadibna ay ku amreen dhamaan wixii joogay inay isaga baxaan.
Sidoo kale Taliyaha Booliska Gobolka Baay, ayaa amar cad wuxuu siiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Fanax oo uu ku amray inuusan soo gali karin xafiiska, sababo illaa hadda aanan la ogeyn.
Sheekh Fanax Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed ayaa Risaala wuxuu u sheegay maalintii labaad maanta xafiiskiisa inuu xiran yahay, illaa haddana uusan garan karin sababta keentay in xafiiska laga soo saaro.
Inkastoo illaa hadda aanan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha keenay in Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan uu faragelin toos ah ku sameeyo shaqada Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed, ayaa haddana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Taliyaha Booliska uu ka haysto amar madaxda Koonfur Galbeed.
Korneyl Mahad C/raxmaan oo Taleefoonka aan kula xiriirnay si arrimahan aan wax uga waydiino, ayaa wuxuu ka jawaabi waayay taleefoonkiisa gacanta.
Illaa hadda ma jirto masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadashay sababta keentay in Taliyaha Booliska Gobolka Baay uu la wareego xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka socday kulamo kala duwan oo maamulka taageersan ay ku soo bandhigayeen hanaanka rabitaanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan
Leave a Reply