Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxa uu ku sheegay qoraalkiisa jariirada New York Times in Soomaaliya ay u baahan tahay kaalmo dhinaca qibradda iyo qalabka isugu jirta iyo waliba qaab cusub oo uu yeesho iskaashiga ay yelanayaan Hay’adaha Amniga Soomaaliya iyo kuwa Caalamka.
Sambaloolshe ayaa muujiyay in Hay’adaha Nabad sugidda ay caqabado ka heystaan dhinaca ka hortagida weerarada ururka Al-shabaab, gaar ahaan Qaraxyada, isaga oo sheegay in Al-shabaab ay si weyn u kordhiyeen isticmaalka Qaraxyada iyo waliba culeyska ay leeyihiin, oo uu sheegay in ay ka bilaabatay 100 kiilo haatana ay mareyso 1,000 kiilo.
C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa sheegay in Hay’adaha caalamka ee qibrada leh ay ka gaabiyeen in iskaashi dhinaca wadaagista xogta ah iyo waliba qablaka ah ay siiyaan Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in khubarada wadamada qaarkood ay yimaadaan Soomaaliya kadibna ay baaritaan ku sameeyaan Qaraxyada, balse natiijada baaritaanadaasi aysan dib ugu soo celin Soomaaliya.
“Waxaan ka codsanay wadamada aan bah-wadaagta nahay in ay nala qeybsadaan akhbaarta iyo cadeymaha laga helo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya oo dowlada Soomaaliya ay wax ka ogaato balse taas bedelkeeda dhagaha ayaa nalaga fureystay.” Ayaa ka mid ah qoraalkii uu wargeyska New York ku daabacay Sambaloolshe.
Mike briden oo ah khabiir ka faalooda arrimaha Amniga ayaa sheegay fariinta Agaasimaha inuu ka fahmay in aysan helin weli qalabkii lagu baarayay Qaraxyada, isaga oo sidoo kale Taliyaha Nabad Sugidda ku raacay in Shabaab ay kordhiyeen Qaraxyada ay ka geystaan Soomaaliya.
Qaar ka mid ah qubarada Soomalida ah e ka faalooda arrimaha amniga ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay hadalka Sambaloolshe, qaar waxa ay ku doodeen in hadalkiisa uu wax u dhimi karo iskaashiga ay la leeyihiin Hay’adaha kale ee Dibadda, halka qaarka kalena ay soo dhaweeyeen inuu si furan uga hadlay baahida jirta
Leave a Reply