Guddoomiye Taabid “Lama aqbali karo in labo todobaad gudahood in musiibo kale nagu dhacdo”

taabit

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee degmada Xamar weyne, isagoo xusay in aan la aqbali karin weerarkan.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay inay ku guda jiraan bad-baadinta iyo gurmad, isla markaana la soo badbaadiyay dad bad-qaba, kuwa dhaawacana isbitaalada loo qaaday.

“Lama aqbali karo in labo isbuuc gudahood musiibo kale nagu dhacdo, waa in si dhab la iskula xisaabtanaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Sidoo kale Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in sida kaliya oo musiibooyinkan looga hortagi karo in qof walba shaqadiisa si sax ah u guto.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo 14-maalmood ay ka soo wareegatay qaraxii dadka faraha badan ku dhamaadeen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.