La taliyaha dhanka Siyaasada Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa ku taliyay in talaabo walba oo ay qaadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab mid la mid ah loogu jawaabo si ay shacabka Soomaaliyeed uga nabad galaan.
Tarsan oo saxaafada la hadlay kadib weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayna ku dhinteen inkabadan labaatan ruux tiro kalana ay ku dhaawacmeen ayaa ku tilmaamay dhibaatada ugu weyn ee sababta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho inay sabab u yihiin xaasaska ay qabaan Al-Shabaab Saraakiishooda ee ku nool gudaha magaalada Muqdisho.
“Hay’adaha amniga waxaa looga baahan yahay in magaalada ay ka saaraan xaasaska madaxda Al-shabaab maadaama ay yihiin jaajuus,”ayuu yiri Maxamed Nuur Tarsan.
Sidoo kale la taliyaha Madaxweynaha dhinaca siyaasada kana mid ahaa Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Al-Shabaab sida kaliya ee looga adkaan karto ay tahay in tallaabo kasta ay qaadaan laga daba qaado islamarkaana meydkooda wadooyinka qaar la suro.
“Kuwa weerarka ku qaaday hotel Naasahablood2 ee la qabtay waa in si deg-deg ah maxkamad loo saaro oo la dilo inta dadka ay dileen dhigoodu qoyan yahay meydkooda la suro barxada Shabelle.”ayuu sii raaciyay Tarsan.
Carrada siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa sii kordhaysa kadib markii labo toddobaad gudahood ay qaraxyo ka dhacay Muqdisho ka dhasheen qasaare nafeed oo dadka ku dhintey kuna dhaawacmay ay badankood ahaayeen dad rayid ah.
Leave a Reply