Howlgal lagu Bur-burinayo Dhismayaasha Sharci darada ah oo maanta ka bilowday Magaalada Dhuuso Mareeb

dhusamareb

Maamulka degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa  markii ugu horeysay bilaabay Howlgal lagu burburinayo dhismayaasha Sharci darada ah iyo kuwa ku yaala Degmadaasi,Waxaa uuna maamulka sheegay in horay waqti ugu qabtay in ay uga guuraan dadka degan goobahaasi.

Inta badan dadkii shacabka ahaa ee deganaa hareeraha wadooyinka ayaa si iskood ah u burburiyay Dhismayaasha Xarumaha Degmada, waxaana ay soo dhaweeyeen amarka kasoo yeeray maamulka Dhuusamareeb.

Mid ka mid ah Dadkii mudada badan deganaa Xarumaha maamulka degmada dhuuso mareeb  ayaa sheegay inuu  ku faraxsan yahay in isaga uu gacantiisada ku burburiso dhismahaasi, maadaama uu sheegay in hadda laga wada shaqeynayo bilicda degmada.

Macalin nuur cilmi cabdulle oo ah gudoomiyaha magaalada  Dhuusamareeb ee gobalka galgaduud  ayaa isna u mahad celiyay shacabka iskood u dumiyay dhismayaashaasi, ka dib kormeer uu halkaasi ku tagay.

Waxaa uuna Sheegay in hada ay bilaabeen sidii ay u bur-burin lahaayeen Dhismayaasha Sharci darada ah ee ka jira magaalada dhuuso mareeb,isagoona shacabka ugu baaqay inay door wanaagsan ay ka qaataan Hormarinta Degmada Dhuuso Mareeb ee gobalka galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soconaya dib u dhis ballaaran, iyadoo dhanka kale magaalada oo dhan ay ka socoto nadiifin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.