Alshabab oo xalay qof rayid ku dilay degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo bastooladey ah ay qof rayid ah xalay ku dileen degmadaas, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Qofka la dilay ayaa ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka, waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Geesey, waxaa la sheegay in dhalinyaro ku hubeysan bastoolado ay dileen, kaddibna baxsadeen.

Lama oga sababaha ka dambeeysay dilkan, waxaana dhowr jeer oo hore uga dhacay Afgooye dilal loo geystay dad kala duwan oo ay fuliyeen rag ku hubeysan bastoolado.

Ciidamada Booliska degmada Afgooye ayaa la sheegay inay xalay ka sameeyeen xaafadaha degmada howl galo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay dilka, hase ahaatee uma aysan suurta gelin inay soo qabtaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.