Wararka naga soo gaarayo degmada qoryoolay ee Gobalka Shabewlaha Dhexe ayaa soo sheegayo in saakay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaano iyo Tuulooyin hoostaga Degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidanka ay lug ku marayaan Wadooyinka soo gala degmada waxayna dadka weydiinayaan xaaladda deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sugan yihiin Deegaano hoostaga Degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha hoose oo Halkaasi mararka qaar weeraro toos iyo Qarax ku soo qaada ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ee Saldhigyada ku leh Degmadaasi.
Hayeeshee Deegaano ka Tirsan gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxaa laga Dareemayaa diyaar garow ku aadan Dhaq-dhaqaaq ay Sameynayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya,kaasi oo ku aadan Sidii Al-shabaab ay ugu saari lahaayeen Deegaanada ka Tirsan gobalkaasi oo qeybo ka mid ay ay Maamulaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Leave a Reply