Kanaalka Al-akhbaariya ee laga leeyahay dalka Sacuudiga ayaa baahiyay war ku saabsan in saraakiisha Doxa ay cadaadis ku saarayaan xukuumada Soomaaliya inay soo magacowdo shaqsiyaad ka tirsan ururka Ikhwaan Al-musliimin kuwaasi oo safiiro ka noqonaya afarta dal ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.
Wadamada Sacuudiga,Imaaradka,Baxareeyn iyo Masar ayaa u aqoonsaday kooxda Ikhwaan Almuslimiin inay tahay mid argagexiso.
Kanaal Al-akhbaariya ayaa soo xiganaya saraakiil wax ka og qorshaha Dowladda Qatar waxa ay sheegen in dowladda Qatar ay sii hurinayso khilaafka ka taagan wadamada Khaliijka,ilo wareedyo ku dhow aqalka boqortooyada Qatar ee Alxamdeyn ayaa shaaca ka qaadaya in nidaamka Doxa uu ku cadaadinayo xukuumada Soomaaliya in safiiro cusub ay u magacowdo wadamada afarta ah ee iyag go’aanka galiyay Qatar kuwaasi oo iyagu ka tirsan Kooxda Ikhawaan Almuslimiin.
Wadamada Isbahaysiga ah ayaa walaac ka muujinaya sida ay dowladda Qatar u sii joogteenayso inay taagerto kooxaha argagexisada.
Horey wadamada go’doomiyay Qatar waxa ay calaamad su’aal ay saareen warar ay baahiyeen warbaahinta Soomaalida iyo Kuwa carabta oo lagu sheegayay in ay Qatar askar ahaan u qoronayso dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkii qofba ay u diyaarisay lacag dhan 6000 doolarka Mareykanka.
Xukuumada Soomaaliya oo dhexda iska taagtay muranka Khaliijka ayaan looga baran inay ka jawaabto eedeymaha wadamadaasi ay isku marinayaan warbaahinta
Leave a Reply