Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu dilay inta u dhexeya Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.
Kooxo maleeshiyaad ah ayaa waxaa la sheegay in ay Rasaas ku fureen Gaari BL- ah oo saarnaayeen askartan ka Tirsan Ciidanka Dowlada iyo dadka Shacab ah sida ay sheegeen Dadka Deegaanka oo ku sugan Gobalkaasi.
Mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in 3 Askari iyo hal qof oo shacab ah lagu dilay wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose kadib markii Rasaas ay ku fureen Koox Burcad ah gaari ay la socdeen.
Degaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay kooxo burcad oo dadka shacabka ah ku dhibaateeya Gobalkaasi.
Hayeeshee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo safar ku tagay Gobalka Shabeelaha hoose Bishii may ee Sanadkaan ayaa sheegay in Kooxaha isbaarada dhigta ay ula Dagaalami doonaan si la mida Al-shabaab,inkastoo weli ay jirto Dhibaatadaasi ay wadaan maleeshiyaadka Isbaarada Dhigta.
Leave a Reply