Ugu yaraan 12 Askari oo booliska Kenya ka tirsan ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay weerar ay ku qaaden Al-shabaab xadka ay wadaagan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Askartaan la dilay ayaa Galbinaysay Gawaari ay la socdeen samafalayaal.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalamayashii Al-shababa ee soo weeraray balse looga dilay 12 Askari.
Sargaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay Amaanka xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya si aysan u soo noqon weerarada joogtada ah ay Al-shabab ka soo qaadayaan dhinaca xadka Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa soo galay Soomaaliya sanadkii 2011kii kuwaasi oo qeyb ka noqday howlgalka AMISOM ee dagaalka Al-shabaab balse wixii waqtigaasi ka danbeeyay waxaa ku socotay weeraro joogta ah oo ay Al-shabaab ku qaadayeen gudaha Kenya.
Leave a Reply