Waxaa maalinta Berri ah oo Isniin ah Taariikhudna ay ku beegan tahay 13-ka November lagu wadaa in magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Soomaaliland ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka C/qaadir Iimaan Warsame ayaa shacabka qaatay kaarka cod bixinta ugu baaqay in aysan khasaarin, islamarkaana ay doortaan Saddexda Musharax midkood.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Saciid Cali Muuse ayaa sheegay codbixiyeyaasha maalinta codeynta ay dhaceyso in aysan soo xiran karin astaan muujineysa xisbiga ay taageersan yihiin.
Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliland waxaa sanadkan ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Soomaaliland C/raxmaan C/laahi Cirro oo u taagan xisbiga Wadani iyo Muuse Biixi Cabdi oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii Soomaaliland ee kala duwanaa, una taagan xisbiga Kulmiye ee talada haya.
Shacabka ku dhaqan Soomaaliland ayaa waxa ay isku diyaarinayaan markii Saddexaad Doorashada Madaxweynanimo ee Soomaaliland, markii labaad ayaa lagu wadaa in degaanada Soomaaliland ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah.
Ammaanka magaalada Hargeysa ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo goobaha ay ka dhacayaan codbixinta la soo dhoobay Ciidamo Boolis ah oo badan.
Leave a Reply