Ciidamada dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan ciidanka ku sugan xayndaabka Madaxtooyada Somaliya ayaa bilaabay inay hubiyaan gaadiidka Amisom ee maraya wadada, marka ay soo gaaraan Koontaroolka ciidanka ay joogaan.
Sheekada ku saabsan in ciidamada dowladda ay hubiyaan gaadiidka Amisom waxa ay ka dambeysay, kadib markii maalmahan dambe Magaalada si wayn looga hadal haayay suurtagalnimada in gaadiid Amisom ay leeyihiin weeraro loo adeegsado.
Al Shabaab ayaa horay waxa ay u qabsadeen gaadiid ay leeyihiin ciidanka Amisom, waxaana maalmahan dambe aad u soo xoogeysanaayay warar ku saabsan in Shabaab weeraro qorsheysan ay u adeegsan rabaan gaadiidka Amisom ee horay ay u qabsadeen.
Leave a Reply