Shirka Golaha Wasiirada oo maanta ka furmaya Baydhaba

Kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta lagu qabto Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa la filayaa in looga hadlo ajandayaal dhowra oo ay ka mid yihiin dardar gelinta howlaha horyaalla xukuumadda, la dagaallanka Al-Shabaab iyo sidii loo sii dar dar gelin lahaa howlaha amniga.

Magaalada Baydhaba ayaa haatan waxaa ka soconaya qaban qaabada shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ammaanka Magaalada si weyn loo adkeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.