Akhriso:Wariyaasha Tvga Jubbaland Shaqada looga eryey Qoraal ay ka bixiyeen Facebook

foos

Labo Gabdhood oo kamida Wariyaasha ka hawgala TVga Jubaland Xaruntiisa Magaalada Kismaayo ayaa shaqada laga eryey kadib markii ay qoraal soo geliyeen Facebook, Gabdhahaan wariyaasha ah ee Shaqada Laga eryey ayaa lagu kala Magacaabaa Sahro Bishaar Cabdiraxmaan iyo Foos Cali .

Qoraalkan Sababay in shaqada laga eryo Labada Wariye ayaa la soo Post gareeyey 29 Oct. 2017 Laakiin Agaasime Ku xigeenka Warbaahinta Jubaland Jaamac Axmed Cali Joofane ayaa 04 Nov 2017 soo saaray Warqad uu shaqada kaga joojiyey Labada Wariye ee ka hawl galayey Jubaland TV.

Wariyaasha ka hawgala Magaalada Kismaayo ayaa waxay mudooyin kii dambe soo wajahay Jirdil,Xabsi,Gacanqaad iyo arimo badan oo lid ku ah waxaana dhibaatadan lagu hayo wariyaasha ka dambeeya Maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa lashaqeeya sida wasiirada iyo laamaha Amniga.
foos

jubaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.