Maamo Batraan Muhumed Cabdile waa Gudoomiyaha Ururka Haweenka Sadexda Gobol ee Jubaland Waana Shaqsigii koobaad ee haween ah oo ka qeyb qaadatay Nabadeynta Jubaland islamarkaana isu howshay Dhisitaanka Jubbaland inkastoo ay ku guul daraysatay in ay wax ka dhisto Jubaland loo dhan yahay hadana waa shaqsi mudnaa tix galin iyo il gaar ah taasina ma dhicin oo waxay Nafteeda Qatar ugu jirtaa Dil kaga yimaado Mamulka Axmed madoobe iyo Askartiisa.
16 November Sanaad Galab Qamiisi ay sii Caraabeyso Saacaduna tahay 5:00 galabnimo Maamo Batraan oo Xiligaasi ku sugneyd Carwadeda ayaa waxaa soo kor istaagay labo Askari oo ku Hubeysneyd. TEETE ama BISTOOLAD waxayna Mamada ugu hanjabeen Dil.
Halkaas waxaa ku burburay Rajadii ay ka lahayd Jubaland oo markii hore u afduubnayd Axmed madooobe iyo koocdiisa Batraan Hooyo Somaliyed Wana Shaqsi Mug iyo Magac ku leh Degaanada Sadexda Gobol ee Jubbaland waa haweney Mudan dhan kasta in laga xushmeeyo Sabab ma jirto Nafsadeeda Qalqal galin karto oo aan ka ahayn dhiigyacabiintii Aan damiirka lahayn.
Batraan Muhumed Cabdule in kastoo Abaalkii ay gashay loogu guday Hanjabaad iyo Dil waxay noo sheegtay in ay Ragaasi soo adeegsatay Haweeneyda Magaca Qabiil lagu keenay Xilka Wasiirnimo ee la yiraahdo Qamar Taas oo Cadeysatay Cunista iyo Duudsiinta Xaquuqda Haweenka Sadexda Gobol Markastana Dhextaagan Magalada Kismayo oo kaliya iyadoo ku qaraabato Magaca Haweenka Sadexda Gobol.
Batraan oo ku Caan baxday Olalaha iyo U Hiilinta Haweenka Sadexda Gobol ayaa ku Gacan Sayrtay Wasiirada Ka dib markii ay aragtay Musuq Maasuqa ay ku wado Haweenka Jubaland Siiba Haweenka Gobolka Gedo.
Maanta Batraan oo aysan cidi ka dahnayn Wanaga ay soo sameysay waxay marti u noqotay Hanjabaad nafteeda Qatar galiso iyadoo joogto Magaladii ay ka soo jeeday ku ilma dhashay guryaheeda iyo hantideeduba taalay.
Tacadigaan Waxuushnimada ah waxay qeyb ka tahay dulmiga Ka jiro Mamulka Axmed madoobe ee Mamulo Magalada Kismayo oo kaliya waana wax soo laab laabtay oo aysan jirin cid wax iska waydiiso madaama Mamulku uu la mid Noqday Lacag Somaligii Kun ayaa u yar Kun ayaa u ugu wayn.
Leave a Reply