Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay siyaasiyiinta iyo warbaahinta qaar ay shaacinayeen in is fahamwaa siyaasadeed oo ku aadan soo dhisida golaha wasiirada ee maamulka hirshabelle uu u dhaxeeyo madaxweynaha hirshabelle iyo xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas ayaa waxaa ay xildhibaanada sheegayaan in aysan khilaaf u dhaxeeya iyaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka hirshabelle ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin khilaafka la sheegay inuu u dhaxeeyo xildhibaanada hirshabelle iyo madaxweynaha.
Balse kulamada ay yeesheen ay ahaayeen kuwo wada tashi ah oo looga hadlayay soo dhisida golaha wasiirada ee maamulka hirshabelle, waxaana uu intaas ku daray in dhawaan uu madaxweynaha hirshabeele Maxamed Cabdi Waare soo magacaabi doono gole wasiiro oo tayo leh sida uu hadalka u dhigay xildhibaanka.
Maxamed Cabdi Waare ayaa haya xilka madaxweynaha hirshabeele mudo ka badan labo bil,iyadoo weli laga sugayo inuu soo magacaabo golihiisa wasiirada,Maadaama Qaban Qaabadii ugu dambeysay Xiligan laga Dareemayo Degaanada uu ka taliyo Maamulka Hirshabelle.
Dhanka kale warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa Sheegaya in Maanta lagu wado in Madaxweynaha Hirshabelle uu kulan la qaato odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe,si uu kala hadlo magacaabisa golaha Wasiirada iyo inuu Wada tashi kala Sameeyo odayaasha sida ay u arkaan Wasiirada uu ku dhawaaqi doono Madaxweyne Waare.
Leave a Reply