Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Maanta oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay 12-ka Mowliid ay shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.
Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cadde Mukhtaar, ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH) darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.
Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada nabageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.
Wuxuu u ku boorriyay shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.
Leave a Reply