Waxaa Maanta ka furmaya Magaalada Sharmal-Sheekh Ee Dalka Masar Shir ay isugu imaanayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Ee Jaamacadda Carabta,waxaana Shirkaas uu yahay mid looga hadlayo Go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu Magacaabay Magaalada Qudus in ay noqoto Caasimadda Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka mida Wasiiradda ka qeyb galaya Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inuu Shirka Qudbad ka jeediyo iyo Go’aanka Soomaaliya ay qaadatay in Mareykanka uu ka dhigo Qudus Caasimadad Israa’iil.
Wasiirada ka qeyb galaya Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ayaa la socday Madaxweynaal ku shiray Magaalada Sharmal-Sheekh ee Dalka Masar kuwaa oo ka qeyb galay Shirka Ganacsiga Afrika ee Magaaladaasi ka qeyb galay
Leave a Reply