Xubin ka tirsan Congresska Mareykanka ayaa ku boorriyay Waaxda Difaaca in ay bilaabaan baaritaan cusub ku saabsan dadkii rayidka ah ee ay waxyeelado kasoo gaartay howlgallada ciidamada dowladda Mareykanka ay ka fuliyaan Gudaha Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay jooggaan Al-Shabaab.
Ted Lieu oo ka tirsan Congesska ayaa ugu baaqay sarkaal Sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca in uu dib u eego eedeynta loo jeediyay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee Afrika, waxaana uu sheegay in ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay toogteen 10 qof oo aan hubaysneyn oo ku nool beerta magaalada Bariire bishii August.
Waxaa uu sheegay in hadii ay taasi saxno noqoto howlgalka Mareykanka ee Afrika uu noqon doono Mid guul dareystay.
Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayuu ka dalbaday in ay sameyso Baaritaano waxtar leh oo ku saabsan waxyeeladda Shacabka.
David Trachtenberg, oo ah ku-simaha xog-hayaha difaaca siyaasadda Mareykanka ayaa ka jawaabay Hadalka Xildhibaanka waxaana uu sheegay in uu gudbin doono wasaaraddiisa ayna bilaabi doonaan Baaritaano cusub.
Mr Trachtenberg ayaa sidoo kale tilmaamay in taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ay horay baaritaan ugu sameeyeen dhacdadii Bariire waxaana uu yiri “dhaawacyo kaliya ayaa soo gaaray dadkaasi, waxaana ay ahaayeen dad hubeysan”
“Waxaa naga go’an hadii aan nahay Wasaaradda Gaashaandhiga, wax walba oo khatar ah oo ku dhacda dadka rayidka ah in aan ilaalino, waxaana ka shaqeyneynaa sidii looga hortagi lahaa waxyeeladda Shacabka” ayuu yiri David Trachtenberg.
Dowladda Mareykanka ayaa horay loogu eedeeyay in waxyeelo badan ay kasoo gaarto dadka Shacabka duqeymaha ay ka wado Gudaha Soomaaliya.
Leave a Reply