Wararka laga helayo Gobolka Gedo gaar ahaan degaanka lagu Magacaabo Siidam oo 50 KM u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in lagu Afduubtay Saddex Ruux oo u shaqeeya Hay’addo Gargaar oo ka howlgala Soomaaliya.
Saddexda Ruux ayaa la sheegay in ay u shaqeynayeen Hay’adda Bisha Cas iyo sidoo kale Hay’adda Samafal oo lagu Magacaaco Saado.
Waxaan lagu Magacaaba Dadka La Afduubtay
1, Aadan Cabdi Kheyr 2, Naasir Abshir Fiigo 3,Cali Sugale
Wararka ayaa intaa ku daraya in Dadka la Afduubtay lala aaday Degaanka War-cad 100 KM u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay Maamulaan Al-shabaab.
Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo Maxamed Yuusuf Al-qaadi Ee uu Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dadka la Afduubtay ay Maalmahaan Gargaar ka qeybinayeen Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Wali ma jirto Cid sheegatay in ay ka dambeyso Afduubka Saddexda Ruux ee u shaqeeya Hay’addaha Samafalka ee Gobolka gedo lagu Afduubay.
Leave a Reply