Wararka ka imaanaya magaalada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay dad u qabteen qarax miino oo maanta ka dhacay Buula Barde gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka diyaarada iyo Buula Burde.
Ciidamada Jabuuti Iyo kuwa Ciidamada Soomalida ayaa howlgalo ay sameeyeen oo lagu baadi goobayay ragii falkaasi ka dambeyeey waxana wararku ay sheegayaan in ilaa haatan ay ciidamadu qabteen dhowr qof oo qaraxaasi lala xiriirinayo.
Hore ayaa qarax nuucaan oo kale ah waxaa ugu dhintay Askariga ka tirsan Howlgalka AMISOM kaas oo todobaadkii hore ka dhacay degmadaasi.
Leave a Reply