Wasiirkii hore Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada somaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad casho sharaf aheed oo asiga lagu sagootinayay laguna soo dhaweynayay wasiirka cusub ee wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xumada fedralka somaliya.
Munaasabadan oo hadallo kooban ay ka kala jeediyeen labada Wasiir ee xilka ku kala wareegi doona Saacadaha soo socda ayaa waxay muujiyeen sida laga maarmaanka ay u tahay u adeegidda dalka, dadka iyo ilaalinta danta qaran oo la waafajinayo siyaasadda dibadda, waxa ayna wada tilmaameen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka guul keenidda ajandayaasha xaqiijinaya horukaca iyo taabagalka Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo lagu gaaro.
Xafladdan cashada aheed ayaa Waxaa kasoo qeyb galay Safiirro, Wasiirro hore, diblomaasiyiin iyo dad ka dhex muuqda qeybaha bulshada, waxa ayna ku soo idlaatay sidii looga tala galay.
Leave a Reply