Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa Dowladda Federalka ku eedeeyay in ay barakicineyso dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed ka soo baxay Dalada ayaa lagu sheegay in 21 degaan oo hoy u aheyd in ka badan 5,807 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u ahaa.
Sidoo kale Dalada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa sheegay barakicinta lagu hayo barakacayaasha ku nool duleedka Muqdisho in aysan aheyn kuwo waafaqsan sharciga dhowrista xuquuqda aadanaha.
“Waxaan aad uga murugeysanahay dhibaatadan, iyada oo aan lahayn ogeysiis hore oo ku saabsan dadka barakacayaasha ah, qaar ka mid ah dadkan barakacayaasha ah waxa ay ka yimaadeen meelo fog, iyaga oo ka soo cararay Abaar iyo Colaad”. Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay ururka.
In ka badan laba Milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan Soomaaliya guud ahaan abaarta iyo iskahorimaadka, oo ay ku jiraan hal Milyan oo qof oo cusub oo barakacay 2017 oo keliya, taas oo ka dhigan Saddex-meelood hal meel 6.2 Milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.
2-dii January 2018 Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa sheegay in burburin lagu haayo dhismayaasha barakacayaasha ku nool duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakacayaaha degaanka KM-13., wuxuuna ku baaqay in arrintaasi muhiim ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo
Leave a Reply