Dagaal kala shaki ka dhashey ayaa Ciidanka Dowladda iyo koox ka tirsan Ciidamda Kenya waxa uu ku dhexmaray saakay Gobolka Gedo, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka oo inala soo xiriiray..
Ciidan ka tirsan Dowladda Kenya gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagixisada ayaa ka soo tilaabay Xadka dhinaca Ceel-waaq waxeyna gudaha u soo galeen Magaalada iyada oo uusan jirin wax ogeysiis ah.
Warar madax banaan ayaa sheegaya Ciidanka Kenya oo watay tiro gawaarida dagaalka ah, wajiyadana ay u xirnaayeen in ay gudaha u soo galeen magaalada, iyaga oo waliba gawaaridooda ay ka babanayeen Calan Madow, taasina ay skaki ku abuurtay Ciidamada Dowladda..
Ciidamada Dowladda ayaa durba muujiay shaki ku aadan in Ciidankan yihiin Al-Shabaab, waxeyna u yeerteen Ciidamo kale oo gurmad ah, iyaga oo isugu yimid banaanka magaalada, si ay isaga caabiyeen Ciidankan hadii ay yihiin Shabaab.
Ciidanka Kenya oo iyaga laftirkooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda u galeen Shabaab ayaa markii ay arkeen Ciidanka Dowladda oo wadada u fadhiya rasaas ooda kaga rogay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.
Ilo madax banaan ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka uu ku geeryooday Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo.
Si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Gobolka Gedo, maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in dib ay ka faah faahin doonaan sida ay wax u dhaceen.
Leave a Reply