Gobolada Shabellaha dhexe iyo Hiiraan ayaa qeybo ka mida ah waxaa ku sugan dagaalamayaasha Alshabab islamarkaana go.doomiyen wadooyinka qaar isku goosha lahaa Magaalooyinka ka mida Goboladaasi, Xildhibaan Faarax Maxamed Cisman oo ka mida Baarlamaanka Dowladda Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle oo lahadalay warbaahinta Waxuu hoosta ka xariiqay in dhawan la Furi doono wadooyinka Jalalaqsi, iyo Buulada Burde, iyo waddooyin kale oo ka tirsan Goboladaasi.
Alshabab ayaa weeraro iyo qaraxyo Waxaa ay ka geystaan deegaano iyo degmooyinka kan tirsan Goboladaasi waxana dhibaatada ugu badan ka jirtaa wada isku xirto muqdisho iyo jowhar iyo Sidoo kale qeybo ka mida ah Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ay ku dhuumaaleysanayaan Dagaalayaal ka tirsan Alshabab oo ka cararay duqeymaha diyarahada dagaalka Maraykanka iyo howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay sameynayaan qeybo ka mida Gobolada dalkaka
Leave a Reply