Magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay Munaasabada u xilka kula wareegayo Guudoomiyaha degmada Baladweyne.
Maamulka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday Guudoomiyaha degmada Baladweyne Aadan Axmed Xeefow kaaso muddo dhowr bilood ah xilkan hayay.
Guudoomiyaha Cusub ee degmada Baladweyne ayaa loo magacabay Maxamed cismaan cabdi qalafow oo horey u soo noqday Guudoomiyaha degmada Baladweyne.
Maamulka Hirshabeelle ayaa dhowr mar isbedel ku sameyay Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne.
Qallaafoow ayaa xilka Guddoomiyaha Beledweyne waxaa 9kii Bishii January 2017kii ka qaaday Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.
Leave a Reply