Ciidamda Booliska iyo Nabad sugidd Maamulka Galmudug ayaa gacanta Ku dhigay Maleeshiyaad ay sheegeen in ay dhac ka geysan jireen Deegaano ku yaalla inta u dhaxeyso Magaalooyinka Cadoodo iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado
Cumar Macalin Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howgalkooda ay Ku qabteen Maleeshiyaad gacanta ku hayay gaari Xamuul ah oo ay si afduub ah Ku heysteen.
Waxaa uu intaasi raaciyay in ay Ku raad joogaan mid ka mida shaqsiyaadka uu Maleeshiyaadka Ku sheegay kuwaa oo ka cararay Xilliga ay kuwa kale qabanayeen.
Magadaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa horay u sheegay in aan marnaba loo dulqaadan doonin koox dhac u geysaneyso shacabka Deegaanada iyo degmooyinka Maamulkasi waxaana uu Ciidamada Maamulkasi Ku amray in ay Sameyaan Howlgallo lagu baacsanayo shaqsiyaadka jidgoojooyinka dhiganayo.
Waxaana xusid mudan in aan weli laga sifeynin Deegaanada Maamuka Galmudug
Leave a Reply