Waxaa la Sheegay in Saddexda Xildhibaan ay qoyskiiba ka qaadi jireen $5 Doollar,inkastoo aysan dib ugu sopo laaban,Balse Arintan ayaa waxaa mar qura ka war helay maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.
Maxamuud Yaasin Axmed Tumey Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ,ayaa sheegay in Xildhibaannada xir xiran ay ku wareejinayaan Maxkamadaha,islamarkaana waxaa uu sheegay in lacagaha barakacayaasha laga qaadayna ay u dib ugu celinayaan dadka barakacayaasha ee danyarta ah.
Sidoo kale Tumey waxaa uu sheegay in lacagta laga qaaday Barakacayaasha ay gaareyso $5,000 oo doollar,islamarkaana ay xildhibaannad xiran qaateen.
Xildhibaanada la Xiray ayaa waxaa ay kala Yihiin.
1.Aways Axmed Salaad
2.C/waaxid Axmed Maxamed
3.Madar Cali Faarax
maxkamada Gobalka Mudug ee Dhanka Puntland ayaa laga Dhowr sugayaa Go’aanka ay ka gaari doonaan Sedexdan Xildhibaan oo lagu eedeeyay in kaarar been abuur ah ay u sameyn jireen Dadka Barakacayaasha ee Ku nool Magaalada Gaalkacyo
Leave a Reply