Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho oo muuqaal laga soo duubay la soo dhigay bartiisa facebook-ga ayaa waxaa uu ugu hadlayay dhulka danta guud ee laga dhisayo degmooyinka wadajir iyo dharkeynley ee gobalka banaadir.
Sidoo kale gudoomiye yariisow ayaa sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadka doonaya in ay dhacaan hantidda danta guud ee Muqdisho.
Gudoomiyaha gobalka banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay ku raad jooggaan dadka dhisanaya Wadooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tilaabo adag.
“maamulka gobolka Banaadir ma aqbalyo in dhul dan guud ay dan gaar ah u isticmaalaan Shaqsiyaad,taasi ayuu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono.
Tan iyo Markii La magacaabay gudoomiyaha gobalka banaadir Cabdi raxmaan Cumar Cusmaan yariisow ayaa waxaa dhowr jeer uu soo saaray wareegto lagu mamnuucayo dhulalka danta guud ee laga dhisayo degmooyinka xamarweyne,xamar jabjab,Wadajir iyo Dharkeynlay ee gobalka banaadir.
Leave a Reply