Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ku xiran saxafi ay shaley xireen ciidamada amniga ee maamulka Jubbaland, wariye Saabir Cabdulqaadir Warsame ayaa la xiray xilli uu waday shaqo uu ku duubayay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 1-aad ee markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabtay.
Aabaha dhalay Wariye Saabir Cabdiqaadir oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuusan ogayn waxa lagu xiray Wiilkiisa waxuuna ka codsaday Maamulka Jubbaland inay siidaayaan, dhanka kale waxaa Ururka suxufiyiinta Soomaalida ee NUSOJ ayaa cambaarayn dusha kaga Tuuray Maamulka Jubbland ee Axmed Madoobe Hogaansho.
Leave a Reply