waxaa xalay Magalada Muqdisho Lagu soo Gabagabeeyay shirkii Golaha Amniga qaranka ee madaxda sare ee dowlada federalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo muqdisho ka socday dhowr maalmood ee la soo dhaafay waxaana shirkaas ka soo baxay war murtiyeed ka kooban 9-qodob oo ay isla garteen madaxdi shirka ka qeybgashay .
Hadaba hoos ka aqriso War-murtiyeedka oo dhameystiran.
HESHIIS KU-MEEL GAAR AH OO U DHEXEYA DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLADAHA XUBNAHA KA AH DOWLADDA IYO MAAMULKA GOBOLKA BENAADIR EE QEYBSIGA DAKHLIGA KA SOO XAROODA RUKHSAD BIXINTA KALLUUMEYSIGA |
HOR-DHAC Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga. Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo nooleeyo si ay dowladda ugu suurta-gasho in ay ku fillaato bixinta kharashyada sugidda amniga iyo dib-u-dhiska waddanka oo ay ugu muhiimsan yahiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Markaan aragnay baahida loo qabo in si caddaalad ah oo daahfuran loo maamulo dakhliga kalluumeysiga. Markaan aragnay qodobka 52aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah oo qeexaaya in awoodaha iyo dakhliga kheyraadka ay ka wada xaajoonayaan Dowaladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda. Markaan aragnay qodobka 14aad ee Sharciga Kallumeysiga Soomaaliya ee soo baxay 2014 kuna saabsan rukhsadaha kallumeysiga. Markaan tixgelinnay danta guud ee Dalka iyo Dadka waxaan ku heshiinay qodoboda soo socda: QODOBADA HESHIISKA Qodobka 1aad DHINACYADA HESHIISKA Qodobka 2aad BIXINTI RUKHSADAHA b) Bixinta rukhsadaha wixii ku eg 24 nautical miles waxaa u xilsaaraan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. c) Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Federaalka waxay wakiillo ku yeelaneeysa caasimadaha Dowlad Goboleedyada si ay u fududeeyaan soo gudbinta macluumaadka la xariira bixinta rukhsadaha kalluumeysiga iyadoo la tixgelinayo habraacyada u degsan rukhsad bixinta waafaqsan Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya. d) Qiimaha curaarta ee rukhsad bixinta kallumeysiga waxaa lagu saleynaayaa nooca kalluunka iyo muddada ruqsadda oo uu codsaduhu soo weydiistay iyadoo la tixgelinaayo tartanka sayladaha ee qiimaha bixinta rukhsadaha. e) Habraaca qiimaha rukhsad bixinta iyo macluumaadka codsiga kaluumeysiga waxaa loo raacaayaa heerka caalamiga ah ee codsiga rukhsadaha kalluumeysiga (International Standard of Application for Fishing Licences) ee ku lifaaqan heshiiskan. Qodobka 3aad HAYADDA KALLUUMEYSIGA SOMAALIYEED Xilka iyo wajibaadka Hayadda Kallummeysiga Soomaaliyeed waxa soo saraya Guddiga Aminga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha dawladda xubinta ka dawladda federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir. Qodobka 4aad Dakhliga ka soo xarooda rukhsadaha kaluumeysiga waxaa lagu keydinayaa xisaab (Account) gaar ah oo laga furi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliyqa. Qodobka 5aad QEEYBSIGA IYO UJEEDDOOYINKA LOO ISTICMAALAYO DAKHLIGA Qodobka 6aad HABKA MAAMULKA XISAABTA b) Waxaa xisaabta lacag looga saari karaa amarka Guddiga Madaxda fulinta Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo amarka lacag bixinta uu dekreeto ku soo saaraayo Raisal Wasaaraha Xukuuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya. c) Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federaalka oo u xilsaaran soo xeraynta dakhliga iyo bixinta kharashaadka, waa in ay si daah furan oo waafaqsan hab-xisaabeedka Sharciga waafaqsan u maamusho dakliga ka soo xarooda kalluumeysiga. d) Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalku waa in ay leeyihiin Hab-xisaabeedka Maamulka Maaliyadda oo daah-furan. Qodobka 7aad WAX KA BEDDELKA HESHIISKA Qodobka 8aad MUDDADA HESHIISKA Heshiiskan waxaa uu dhaqan gal yahay ilaa iyo inta ay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ka gaaraayaan heshiis dhameeystiran ee qeybsiga dakhliga ka soo xarooda kalluumeysiga. Qodobka 9aad DHAQAN GALKA HESHIISKAAN SAXIIXA HESHIISKA TAARIKHDA: 10 Feberaayo, 2018 |
-DHAMMAAD- Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Cabdifataax Awaare E-mail: media@presidency.gov.so |
Leave a Reply