Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Gulleed (Khadar) ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey dad tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo qaaday dalka Liibiya, halkaasi oo ay muddo ku xannibnaayeen. Dadkan ayaa iskood u go’aansaday in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan kaddib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen kooxaha dadka ka ganacsada ee loo yaqaan “Magafayaasha”
Tahriibayaashaan ayaa waxay taradooda gaaraysaa kow Iyo toban Ruux oo ay kamid yihiin Caruur Iyo Haween.
Leave a Reply