Allaha u naxriistee nabadoon Axmed Diiriye Cali oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ayaa Maanta lagu wadaa in lagu Aaso duleedka Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.
Nabadoon Axmed Diiriye ayaa Salaadii Janaasada waxaa lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho waxaana Salaada Janaasada ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Xildhibaano, Odayasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulsahda Soomaaliyeed.
Meydka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa loo qaaday Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaas oo lagu aasi doono, maadaama inta uusan geeriyoon ka hor uu ku dardaarmay in lagu aaso deegaan dhaca duleedka Magaalada Cadaado.
Aaska nabadoonka ayaa waxaa la filyaa in uu ka qeyb galo madaxda Xukuumada galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali xasan iyo xubna kale oo ka tirsan Maamulka galmudug.
Leave a Reply