War lagu baahiyay baraha wararka ee Al-shabaab ayaa ay uga hadleen weerarkii jimcihi aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Muqdisho ee qaraxyada iyo weerarka tooska ah ahaa.
Al-shabaab ayaa waxaa ay sigaar ah uga hadleen ninkii isku qarxiyay meel u dhaw Xarunta Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.
Al-shabaab waxaa ay magaca Ninka waday Gaariga ku qarxay agagaarka Hotel Dorbin ku sheegeen Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure.
Ninkan oo ay wareysatay Idaacadda Al-shabaab ee Al-Andaluus ka hor isqarxintiisa ayaa waxaa uu sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Gedo isagoo tilmaamay inuu doonayo is qarxis.
Dagaalamaysha Al-shabaab ayaa sheegta weerarada ay ka fuliyaan Gudaha dalka sidoo kale waxaa ay soo bandhigaan magacyada dadka geysta qaraxyadda waloow aysan sheegan qaraxii 14-kii October ka dhacay Zoobe ee ay dad ka badan 500 ku dhinteen.
Leave a Reply