Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo furay Shirka Wada-tashiga Arrimaha Barakacayaasha Gobolka ayaa tilmaamay in 500,000 oo qof ay haatan barakac ku yihiin gudaha Gobolka Benaadir, kuna noolyihiin xaalado nolaleed oo aad u adag.
“Barakacayaasha intooda badan waxa ay ku sugan yihiin xeryaha ku yaalla magaalada tan iyo sanadkii 2011kii. Muddaas 7 sano ah laguma guuleysan in xal waaro loo helo, balse haatan waxaa muuqata in aan iska kaashanno sidii aan dadkan ugu abuuri laheyn nolol ku haboon.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Leave a Reply