Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu wareejiyay amaanka Xarunta Golaha Shacabka

Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa saakay lagu wareejiyay amaanka dhismaha Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya oo saacadihii ugu dambeeyay ku jirtay xaalad xasilooni darro dhinaca amniga ah.

Ku dhawaad 100 ka mid ah Ciidamada AMISOM gaar ahaan Ciidamo ka socda Dowladda Uganda ayaa sugaya amaanka dhimsaha xarunta Golaha Shacabka oo xalay lagu wareejiyay Ciidamo Cusub kadib markii xukumadda lagu eedeeyay in ay ka wareejisay Ciidankii hore.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dhismaha Xarunta Golaha shacabka laga qaado Ciidanka lagu wareejiyay, waxayna arintaasi ku timid kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu dalbaday in xarunta laga dulqaado Ciidan uu sheegay in uu amray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre.

Xaaladda iyo Jahwareerka siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa sii xumaanaya waxaana aad looga cabsi qabaa in ay ka sii darto hadii aan si deg deg ah wax looga qaban

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.